Xafiiska Xalka Waare ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha taageera Soomaaliya

Xafiiska Xalka Waare ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha taageera Soomaaliya. Kullanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliso Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta ahna Agaasimaha Xalka-Waara, Marwo Zahra Cabdi Maxamed.
Marwo Zahra Cabdi ayaa shirka ka jeedisay xog kooban oo ku saabsan Istaratijiyada Qaran ee Xalka Waara (2020-2024).
Intii uu socday shirka waxaa looga hadlay:
1. Dar-dargalinta arrimaha hortabinta u leh dedaalada loogu jiro in xal waara loo helo barakaca baahsan ee dalka.
2. Qorshe hawleedka ee xalka waara kuna salaysan Istaratijiyada Xalka Waara ee loo sameeyey maamul goboleedyada Dowladda Federalka.
3. Isku xirka shaqooyinka xalka waara ee hay’adaha iyo wasaaradaha Dowladda Federalka.
4. Dardargelinta hirgelinta Istaratijiyada Xalka Waara.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARBIXINTA BILLAHA– LUULYO 2025
06Aug

Hordhac  Luulyo 2025 waxay ahayd bil aad loo xoojiyey iskaashiga…

MONTHLY NEWSLETTER– JULY 2025
06Aug

General Overview  July 2025 was defined by stronger coordination with…

Warbixinta Billaha – Juun 2025
04Jul

Dulmar Guud Warbixinta Billaha ee Juun 2025 waxay si kooban…

Monthly Newsletter – June 2025
04Jul

General Overview The June 2025 Monthly Newsletter provides a concise…