Xafiiska Xalka Waare ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha taageera Soomaaliya

Xafiiska Xalka Waare ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa qaban qaabiyay kulan isugu yimaadeen inta badan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada xalka waara, ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha taageera Soomaaliya. Kullanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliso Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta ahna Agaasimaha Xalka-Waara, Marwo Zahra Cabdi Maxamed.
Marwo Zahra Cabdi ayaa shirka ka jeedisay xog kooban oo ku saabsan Istaratijiyada Qaran ee Xalka Waara (2020-2024).
Intii uu socday shirka waxaa looga hadlay:
1. Dar-dargalinta arrimaha hortabinta u leh dedaalada loogu jiro in xal waara loo helo barakaca baahsan ee dalka.
2. Qorshe hawleedka ee xalka waara kuna salaysan Istaratijiyada Xalka Waara ee loo sameeyey maamul goboleedyada Dowladda Federalka.
3. Isku xirka shaqooyinka xalka waara ee hay’adaha iyo wasaaradaha Dowladda Federalka.
4. Dardargelinta hirgelinta Istaratijiyada Xalka Waara.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARSIDAHA WASAARADDA AGOOSTO 2026
16Sep

HORDHACAgoosto 2026 waxay ahayd bil ay Wasaaraddu xoogga saartay xoojinta…

NEWSLETTER AUGUST 2026
16Sep

INTRODUCTION In August 2026, the Ministry focused on strengthening evidence-based…

Director-General of MoPIED Receives Qatari Development and Investment Delegation
11Aug

August 11, 2026 – The Director-General of the Ministry of…

Warsidaha Bisha Luulyo 2026
10Aug

HORDHAC Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…