Warsidaha Bisha Luulyo 2026

HORDHAC

Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya intii lagu jiray bisha Luulyo 2026.

Bishan, Wasaaraddu waxay xoogga saartay dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), xoojinta isku-duwidda qorsheynta iyo deeqaha ee heer federaal iyo dowlad-goboleed, iyo kobcinta iskaashiga hay’adaha horumarinta iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Warsiduhu wuxuu iftiiminayaa kulammo heer sare ah, shirar farsamo, aqoon-isweydaarsiyo, hawlo awood-dhisid iyo matalaad caalami ah; kuwaas oo xoojinaya hufnaanta, isla-xisaabtanka, qorsheynta ku saleysan xogta iyo hirgelinta mudnaanta qaranka.

QODOBADA WARSIDAHA LUULYO 2026

Qodobadii ugu muhiimsanaa

  • Dardargelinta warbixinta waxqabadka Xukuumadda DanQaran 2022-2026
  • Horumarinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee qorsheynta iyo isku-duwidda horumarinta.
  • Matalaadda Soomaaliya ee Madasha Sare ee Siyaasadda Horumarinta Waarta (HLPF) iyo ECOSOC.
  • Daahfurka warbixinta fursadaha maalgashi ee warshadaha Soomaaliya.
  • Xoojinta iskaashiga bah-wadaagta horumarinta, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qurba-joogta Soomaaliyeed.
  • Horumarinta awoodda shaqaalaha Wasaaradda iyo dhismaha guddiyada farsamo ee qorsheynta.
  • Dib-u-eegista waxqabadka hoggaanka sare iyo mudnaanta istiraatiijiga ah ee Wasaaradda.

Lifaaqa hoose ka akhriso

WARSIDAHA BISHA lUULYO 2026

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARSIDAHA WASAARADDA AGOOSTO 2026
16Sep

HORDHACAgoosto 2026 waxay ahayd bil ay Wasaaraddu xoogga saartay xoojinta…

NEWSLETTER AUGUST 2026
16Sep

INTRODUCTION In August 2026, the Ministry focused on strengthening evidence-based…

Director-General of MoPIED Receives Qatari Development and Investment Delegation
11Aug

August 11, 2026 – The Director-General of the Ministry of…

Warsidaha Bisha Luulyo 2026
10Aug

HORDHAC Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…