Shirka bilaha ee hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta dhexe wasaaradda

Shirka bilaha ee hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maantay ka qabsoomay xarunta dhexe wasaaradda, iyadoo uu shir guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Asad Yusuf.
Qodobadda shirka ugu muhiimsana waxaa ka mid ahaa in waaxyaha Wasaaradda laga dhageystay warbixino la xariiro howlaha baaxada leh ee u qabsoomay ee natiijada laga gaaray. Sidoo kale, Taliyaasha Amniga Wasaaradda ayaa laga dhageystay warbixin amniyeed, si loo hubiyo badqabka iyo amaanka guud ee shaqaalaha wasaaradda.
Madaxda sare ee Mashruuca kasoo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee SCRP oo ay Wasaaraddu hormuudka ka tahay ayaa Hoggaanka Wasaaradda ka siiyay warbixin ku aaddan geedi socodka Mashruuca iyo yoollalka la gaaray howlgalka mashruucan ahmiyadda wayn u leh dalkeenna.
Ugu dambeyn kullanka waxaa lagu soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo lagu horumarinayo shaqooyinka baaxada leh ee Wasaaradda taasoo saldhig u ah yoolka hogaamineed ee Madaxda sare ee Wasaaradda.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARBIXINTA BILLAHA– LUULYO 2025
06Aug

Hordhac  Luulyo 2025 waxay ahayd bil aad loo xoojiyey iskaashiga…

MONTHLY NEWSLETTER– JULY 2025
06Aug

General Overview  July 2025 was defined by stronger coordination with…

Warbixinta Billaha – Juun 2025
04Jul

Dulmar Guud Warbixinta Billaha ee Juun 2025 waxay si kooban…

Monthly Newsletter – June 2025
04Jul

General Overview The June 2025 Monthly Newsletter provides a concise…