Shirka bilaha ee hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta dhexe wasaaradda

Shirka bilaha ee hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maantay ka qabsoomay xarunta dhexe wasaaradda, iyadoo uu shir guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Mudane Asad Yusuf.
Qodobadda shirka ugu muhiimsana waxaa ka mid ahaa in waaxyaha Wasaaradda laga dhageystay warbixino la xariiro howlaha baaxada leh ee u qabsoomay ee natiijada laga gaaray. Sidoo kale, Taliyaasha Amniga Wasaaradda ayaa laga dhageystay warbixin amniyeed, si loo hubiyo badqabka iyo amaanka guud ee shaqaalaha wasaaradda.
Madaxda sare ee Mashruuca kasoo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee SCRP oo ay Wasaaraddu hormuudka ka tahay ayaa Hoggaanka Wasaaradda ka siiyay warbixin ku aaddan geedi socodka Mashruuca iyo yoollalka la gaaray howlgalka mashruucan ahmiyadda wayn u leh dalkeenna.
Ugu dambeyn kullanka waxaa lagu soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo lagu horumarinayo shaqooyinka baaxada leh ee Wasaaradda taasoo saldhig u ah yoolka hogaamineed ee Madaxda sare ee Wasaaradda.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

Monthly Newsletter June 2026
06Jul

Introduction This month’s newsletter presents the key achievements of the…

Warsidaha Bisha Juun 2026
06Jul

Hordhac Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…

Monthly Newsletter April 2026
09May

INTRODUCTION In April 2026, the Ministry of Planning, Investment, and…

Warsidaha Bisha Abriil 2026
09May

Hordhac Bishii Abriil 2026, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha…