Wasiirka Qorshaynta oo u Hambalyeeyay Kaltum Axmed Caamir iyo Maxamed Yusuf Cabdiqani oo Soomaaliya Ku Matalaya Barnaamijka Hoggaamiyeyaasha Mustaqbalka Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kaltum Axmed Caamir oo ka tirsan Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Maxamed Yusuf Cabdiqani oo ka socda Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, si uu ugu hambalyeeyo ka mid noqoshadooda barnaamijka caalamiga ah ee ‘Future Government Leaders Program in the Arab World’.

Barnaamijkan oo ay wadajir u qabanayaan Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ururka Wadamada Carabta (ARADO) ayaa ujeedadiisu tahay horumarinta hoggaamiyeyaasha dawladeed ee mustaqbalka ee dalalka Carabta, iyadoo la siinayo xirfadaha casriga ah ee hoggaaminta iyo maamulka.

Labadan mas’uul ayaa ka mid noqonaya 40 qof oo laga soo xulay guud ahaan dalalka Carabta, iyagoo ka soo baxay hab xulasho adag oo dhowr weji lahaa. Waxay markii hore ka mid ahaayeen 8 qof oo ka kala socday hay’adaha dowladda (heer Federaal iyo Dowlad Goboleed) oo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) u soo xushay inay matalaan Soomaaliya. Dadaalka iyo hufnaanta ay muujiyeen ayaa ka dhigay kuwa ku guuleystay inay ka gudbaan dhammaan shuruudihii iyo marxaladihii qiimeynta ee lagu soo xulay tartamayaasha kale.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Kaltum iyo Maxamed juhdiga iyo kartida ay u soo mareen guushan, isaga oo xusay in ay yihiin tusaale wanaagsan oo dhiirrigelin u ah shaqaalaha kale ee dowladda. Wasiirku wuxuu ku dhiirrigeliyay in ay Soomaaliya u matalaan si sharaf leh oo ay sawir qurux badan ka bixiyaan dalkooda, isla markaana sare u qaadaan magaca iyo sharafka Soomaaliya ee heer caalami.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in guushan ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed ay ku faanaan, oo muujinaysa kartida iyo awoodda dadka Soomaaliyeed marka ay helaan fursado caalami ah.

Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) waxay markasta ku dadaaleysaa horumarinta iyo taageeridda hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed si ay dalka ugu horseedaan mustaqbal wanaagsan.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARBIXINTA BILLAHA– LUULYO 2025
06Aug

Hordhac  Luulyo 2025 waxay ahayd bil aad loo xoojiyey iskaashiga…

MONTHLY NEWSLETTER– JULY 2025
06Aug

General Overview  July 2025 was defined by stronger coordination with…

Warbixinta Billaha – Juun 2025
04Jul

Dulmar Guud Warbixinta Billaha ee Juun 2025 waxay si kooban…

Monthly Newsletter – June 2025
04Jul

General Overview The June 2025 Monthly Newsletter provides a concise…