Warbixinta Billaha- Maarso 2025

Guudmar Kooban

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u daahfurtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), kaas oo diiradda saaraya kobaca dhaqaalaha, dib-u-habeynta maamulka, horumarinta arrimaha bulshada, iyo u-adkeysiga deegaanka iyo cimilada. Si wafaqsan Hiigsiga Qaranka ee 2060, qorshahan cusub wuxuu ka koobanyahay afar tiir: maamulka dowladnimo, kobaca dhaqaale waara, horumarinta bulshada iyo awood-siinta dadka, iyo adkeysiga deegaanka iyo cimilada. Waxaa loo gudbay hababka qorsheynta horumarinta, iyadoo loo dhaqaaqay qorshe cusub oo wax-ku-ool ah oo baaxad weyn leh. Waxaa qorshahan loo maray wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay daneeyayaasha kala duwan ee gudaha iyo dibadda dalka.

19-kii Maarso, Wasaaradda Qorsheynta ayaa soo bandhigtay Warbixinta Kormeerka Wadajirka ah ee lagu qiimeeyay barnaamijyada Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) sanadkii 2024, iyadoo lagu soo bandhigay guulihii la gaaray iyo caqabadihii jiray, waxaana la bixiyay talooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo howlaha mustaqbalka. Waxaa sidoo kale bishan lagu qabtay xaflado lagu maamuusay mas’uuliyiintii ka qeybgalay diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, waxaana jiray wada-hadallo muhiim ah oo lala yeeshay bahwadaagta caalamiga ah sida UK iyo Qaramada Midoobay oo diiradda lagu saaray iskaashiga horumarinta iyo saameynta dhaqaalaha kaalmada caalamiga ah.

Attached Documents

Warbixinta Billaha – Maarso 2025

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

SOMINVEST Capacity Needs Assessment Report Validation Workshop to Strengthen Somalia’s Investment Promotion System
30Mar

Mogadishu, Somalia | March 30, 2026: The Ministry of Planning,…

MoPIED Strengthens Coordination with COOPI and Action Against Hunger to Align Programmes with Somalia’s National Transformation Plan
09Mar

The Monitoring and Evaluation Department of the Ministry of Planning,…

Ministry of Planning and the United Nations Align on Strategic Cooperation and Fund Optimization
03Mar

MOGADISHU – H.E. Mohamud A. Sheikh Farah (Beenebeene), Minister of…

WARSIDAHA BISHA FEBRAAYO 2026
02Mar

HORDHAC Bisha Febraayo 2026, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha…