Guudmar Kooban
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u daahfurtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), kaas oo diiradda saaraya kobaca dhaqaalaha, dib-u-habeynta maamulka, horumarinta arrimaha bulshada, iyo u-adkeysiga deegaanka iyo cimilada. Si wafaqsan Hiigsiga Qaranka ee 2060, qorshahan cusub wuxuu ka koobanyahay afar tiir: maamulka dowladnimo, kobaca dhaqaale waara, horumarinta bulshada iyo awood-siinta dadka, iyo adkeysiga deegaanka iyo cimilada. Waxaa loo gudbay hababka qorsheynta horumarinta, iyadoo loo dhaqaaqay qorshe cusub oo wax-ku-ool ah oo baaxad weyn leh. Waxaa qorshahan loo maray wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay daneeyayaasha kala duwan ee gudaha iyo dibadda dalka.
19-kii Maarso, Wasaaradda Qorsheynta ayaa soo bandhigtay Warbixinta Kormeerka Wadajirka ah ee lagu qiimeeyay barnaamijyada Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) sanadkii 2024, iyadoo lagu soo bandhigay guulihii la gaaray iyo caqabadihii jiray, waxaana la bixiyay talooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo howlaha mustaqbalka. Waxaa sidoo kale bishan lagu qabtay xaflado lagu maamuusay mas’uuliyiintii ka qeybgalay diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, waxaana jiray wada-hadallo muhiim ah oo lala yeeshay bahwadaagta caalamiga ah sida UK iyo Qaramada Midoobay oo diiradda lagu saaray iskaashiga horumarinta iyo saameynta dhaqaalaha kaalmada caalamiga ah.
Attached Documents
Warbixinta Billaha – Maarso 2025