WAR-SAXAAFADEED

WAR-SAXAAFADEED

Isniin 30ka Oktoobar, 2023: Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku yeeshay magaalada Muqdisho banbax labo-maalin ah (29-30ka Oktoobar, 2023), si loo dar-dargeliyo horumarinta qorshaha wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud C. Sheekh Farax (Beenebeene) oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir- guddoomiyay banbaxa labada maalin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Shire, dhammaan Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan iyo lataliyeyaasha sare ayaa ka qeyb-galay banbaxa iyaga oo soo jeediyay talooyin iyo afkaar wax-ku-ool ah si loo sii ambo qaado guud ahaan gudashada waajibaadka ee Wasaaradda.

Banbaxa ayaa si guud diiradda loogu saaray arrimo istaratiiji u ah Wasaaradda iyo wax-qabadkeeda oo ay ka mid yihiin; Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda, u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka, isku-dubbaridka deeqaha caalamiga ah, xoojinta iyo tayeynta karaanka wasaaradda, iskaashiga guud, hannaanka kormeerka iyo qiimeynta qaranka, bahwadaagta horumarinta iyo qorsheynta dhaqaalaha deyn-cafinta kadib.

Kulanka banbaxa ayaa hoosta looga xariiqay baahida loo qabo dar-dargelinta fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo in sare loo qaado kartida wasaaradda oo horseedi doonta sika duwidda Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha (QHDH), si loo xaqiijiyo horumar dhaqaale waara.

DHAMMAAD

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARBIXINTA BILLAHA– LUULYO 2025
06Aug

Hordhac  Luulyo 2025 waxay ahayd bil aad loo xoojiyey iskaashiga…

MONTHLY NEWSLETTER– JULY 2025
06Aug

General Overview  July 2025 was defined by stronger coordination with…

Warbixinta Billaha – Juun 2025
04Jul

Dulmar Guud Warbixinta Billaha ee Juun 2025 waxay si kooban…

Monthly Newsletter – June 2025
04Jul

General Overview The June 2025 Monthly Newsletter provides a concise…