WAR-SAXAAFADEED

WAR-SAXAAFADEED

Isniin 30ka Oktoobar, 2023: Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku yeeshay magaalada Muqdisho banbax labo-maalin ah (29-30ka Oktoobar, 2023), si loo dar-dargeliyo horumarinta qorshaha wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud C. Sheekh Farax (Beenebeene) oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir- guddoomiyay banbaxa labada maalin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Shire, dhammaan Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan iyo lataliyeyaasha sare ayaa ka qeyb-galay banbaxa iyaga oo soo jeediyay talooyin iyo afkaar wax-ku-ool ah si loo sii ambo qaado guud ahaan gudashada waajibaadka ee Wasaaradda.

Banbaxa ayaa si guud diiradda loogu saaray arrimo istaratiiji u ah Wasaaradda iyo wax-qabadkeeda oo ay ka mid yihiin; Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda, u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka, isku-dubbaridka deeqaha caalamiga ah, xoojinta iyo tayeynta karaanka wasaaradda, iskaashiga guud, hannaanka kormeerka iyo qiimeynta qaranka, bahwadaagta horumarinta iyo qorsheynta dhaqaalaha deyn-cafinta kadib.

Kulanka banbaxa ayaa hoosta looga xariiqay baahida loo qabo dar-dargelinta fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo in sare loo qaado kartida wasaaradda oo horseedi doonta sika duwidda Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha (QHDH), si loo xaqiijiyo horumar dhaqaale waara.

DHAMMAAD

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARSIDAHA WASAARADDA AGOOSTO 2026
16Sep

HORDHACAgoosto 2026 waxay ahayd bil ay Wasaaraddu xoogga saartay xoojinta…

NEWSLETTER AUGUST 2026
16Sep

INTRODUCTION In August 2026, the Ministry focused on strengthening evidence-based…

Director-General of MoPIED Receives Qatari Development and Investment Delegation
11Aug

August 11, 2026 – The Director-General of the Ministry of…

Warsidaha Bisha Luulyo 2026
10Aug

HORDHAC Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…