Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa booqasho sharafeed ku tagay xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa booqasho sharafeed ku tagay xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ay qaabileyn xoghayaha guud ee Golaha & ku xigeen-kiisa.
Waxaa Kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee labada Hay’addood iyo dar-dargalinta hindise sharciyeedyo qabyo ah oo ay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay horay ugu soo gudbisay Baarlamaankii 10-naad.
Sidoo kale, waxa ay ka wada hadleen Mashaariicda ka socota Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caqabadaha hortaagan, maadaama Aqalka Sare uu sigaara u matalo. Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo wada-shaqeynta mustaqbalka si sare loogu qaado xiriirka iskaashi ee ka dhaxeya labada Hay’addood.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WAR-BIXINTA BILLAHA – NOFEEMBAR 2025
04Dec

HORDHAC Bishii Nofeembar 2025 waxay ahayd bil horumar weyn ay…

MONTHLY NEWSLETTER – NOVEMBER 2025
04Dec

EXECUTIVE SUMMARY November 2025 marked a month of significant progress…

MoPIED Holds Validation Workshop for the Human Resource Policy and Procedures Manual in Mogadishu
26Nov

The Ministry of Planning, Investment and Economic Development (MoPIED) today…

MONTHLY NEWSLETTER – OCTOBER 2025
02Nov

General Overview October 2025 was a month of intensive collaboration…