Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta, ayaa booqasho sharafeed ku tagay xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa booqasho sharafeed ku tagay xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ay qaabileyn xoghayaha guud ee Golaha & ku xigeen-kiisa.
Waxaa Kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee labada Hay’addood iyo dar-dargalinta hindise sharciyeedyo qabyo ah oo ay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay horay ugu soo gudbisay Baarlamaankii 10-naad.
Sidoo kale, waxa ay ka wada hadleen Mashaariicda ka socota Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caqabadaha hortaagan, maadaama Aqalka Sare uu sigaara u matalo. Ugu dambeyn, dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo wada-shaqeynta mustaqbalka si sare loogu qaado xiriirka iskaashi ee ka dhaxeya labada Hay’addood.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

Monthly Newsletter June 2026
06Jul

Introduction This month’s newsletter presents the key achievements of the…

Warsidaha Bisha Juun 2026
06Jul

Hordhac Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…

Monthly Newsletter April 2026
09May

INTRODUCTION In April 2026, the Ministry of Planning, Investment, and…

Warsidaha Bisha Abriil 2026
09May

Hordhac Bishii Abriil 2026, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha…