Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha – Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene ayaa maanta guddoomiyey kulan ku saabsanaa qaabka wada shaqayneed ee dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa kasoo qeybgalay saraakiil sare oo ka socday Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub, waxaana laga wadahadlay qodobo muhiim u ah dowlada kuna aadan taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay uga faa’ideysato taageerada Midowga Yurub sida ugu hufan uguna macquulsan si loo gaaro horumar waara.