QUICK LINKS:

Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xalka Waara 2020 – 2024

Get The Latest Updates

Subscribe To Our Newsletter

The latest MoPIED news, articles, and resources, sent straight to your inbox.

Soomaaliya waxa ay sii wajaheysa caqabado badan oo ku gadaaman sidii ay ugu heli laheyd xalka waara dhibaatooyinka ka dhasha barakicinta khasabka ah. Barakacan sii daba-dheeraanaya, ee wiiqaya nabadgelyada iyo dib-u-dhiska dalka, ayaa sare usii qaadaya nuglaanshaha Soomaaliya iyo kan Gobolka Geeska Africa. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), oo kaashaneysa bah-wadaagta horumarinta, ayaa garowsatay in ay muhiim tahay in ay iska kaashadaan ururada ka shaqeeya gargaarka bini’aadminimada, horumarka, nabadeynta, dowlad-dhiska iyada oo ay hoggaamineyso dowladda kana tis-qaadeyso Dadka Barakaca khasabka ah Saameeyay loona abaari lahaa sababaha keeno barakaca iyo caqabadaha ka dhasha. Dhismaha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ayaa sare u sii qaaday dadaalada isku dubba-ridka iyo lahaanshaha hindisaha wax looga qabanayo arrimaha barakaca. Tan iyo 2016, ka go’naansho siyaasadeed xooggan oo looga gol leeyahay sidii loogu heli lahaa xal waara Dadka Barakacu Saameeyay (DACs) ayaa sare u sii qaadday heerka hoggaamineed ee dowladda dhexe iyo kuwa hoose oo dhan walba leh. Tusaale ahaan, in lagu daray ajandaha xalka waara Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo maalgashiga ayaa horseeday sii xoogeysashada hay’adaha ku howlan xalka waara ee barakaca. In lagu daray shaqooyinka xalka waara ahmiyadaha horumarinta arrimaha bulshada ee Soomaaliya ayaa Iyana abuurtay jawi horseedaya taageero lala garab istaago fekradaha wax tarka iyo hal-abuurka u leh howlaha xalka waara.

Attached Documents

Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xalka Waara 2020 – 2024

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn