Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare iyo Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Kullanka ayaa ahaa mid looga hadlayey abaaraha iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee uu dalku wajahayo iyo sidii looga hortagi lahaa inta aysan isu bedelin macaluul. Ergeyga Gaarka ah iyo Hoggaanka Wasaaraddu waxay is barbar dhigeen xaaladaha Abaaraha dalkeennu soo martay, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kasoo kabashada, u ad-keysiga iyo u helida xal waara xasaradahaha soo noq-noqda ee wadanka haraadiyey.
Wasaaraddu waxay u diyaarisay Ergeyga Gaarka ah siyaasado iyo istaraatiijiyado jiray, oo ay ku jiraan DINA, RRF, Istaraatiijiyada xalalka waara iyo Kuwa kale. Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in a gacan kasiin doonto Ergeyga Gaarkaa gudashada waajibaadka shaqo ee culus ee horyaala.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

Director-General of MoPIED Receives Qatari Development and Investment Delegation
11Aug

August 11, 2026 – The Director-General of the Ministry of…

Warsidaha Bisha Luulyo 2026
10Aug

HORDHAC Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…

Monthly Newsletter July 2026
10Aug

INTRODUCTION This newsletter presents the Ministry of Planning, Investment and…

Monthly Newsletter June 2026
06Jul

Introduction This month’s newsletter presents the key achievements of the…