Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha – Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene ayaa maanta kulan wax ku ool ah la yeeshay Danjiraha Dowlada Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen.
Kulan kaan ayaa looga wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ku jiraan Qorshayaasha mudnaanta u leh Dowlada, Istaraatijiyadda dowlada ee Dayn cafinta ka dib iyo taageerada barnaamijyada xalka waara.
Sidoo kale waxa loga wada hadlay sidii taageerada Denmark loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka. Ugu dambeyn, waxaa ay labada dhinac isla mel dhigen in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta ee labada dal.