Hordhac
Bishii Maarso 2026 waxay ahayd mid si gaar ah muhiim ugu ahayd dadaallada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la xoojiyay doorka hoggaaminta qorsheynta qaranka, isku-duwidda hay’adaha, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed. Inta lagu guda jiray muddadan, Wasaaraddu waxay qaaday tallaabooyin istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga gudaha iyo kan caalamiga ah, kor loogu qaadayo nidaamyada kormeerka iyo qiimaynta, isla markaana lagu hubinayo in dhammaan dadaallada horumarineed ay si buuxda ula jaanqaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
Waxqabadyadan ayaa muujinaya jihada cad ee dowladda ee ku wajahan dhismaha hay’ado hufan, kor u qaadista maalgashiga, iyo xaqiijinta horumar waara oo saameyn toos ah ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed.Wasiirka Qorsheynta oo Guddoomiyay Shir Lagu Xoojinayo Isku-dubaridka Hay’adaha Dowladda iyo Dardargelinta Mashaariicda Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya
Lifaaqa hoose ka akhriso
WARSIDAHA BISHA MAARSO 2026