WARSIDAHA BISHA JANAAYO 2026

HORDHAC

Bishii Janaayo 2026 waxay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) si dardar leh u sii xoojisay doorkeeda hoggaamineed ee isku-duwidda horumarinta qaranka, iyadoo diiradda saartay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta (K&Q), iyo kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee saaxiibada horumarinta.

Inta lagu guda jiray bisha, Wasaaraddu waxay qabatay kulamo istiraatiiji ah oo ay la yeelatay hay’ado caalami ah sida Alight, Medair, Human Appeal, UNFPA, iyo Midowga Yurub, kuwaas oo lagu adkeeyay waafajinta barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta qaranka, tayeynta nidaamyada la-socodka iyo warbixinta ku saleysan natiijooyinka, iyo xaqiijinta daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Sidoo kale, hoggaanka sare ee Wasaaradda ayaa dib u eegis ku sameeyay qorshe-howleedka 2026 si loo hubiyo fulin waqtiyeysan, isku-dubbaridan, oo ku saleysan waxqabad la cabbiri karo. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u daah-furay €102 milyan oo lagu taageerayo hirgelinta NTP, taas oo muujinaysa kalsoonida iyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee caalamiga ah.

Warbixintan bisha Janaayo 2026 waxay soo bandhigaysaa tallaabooyinka la qaaday, iskaashiyada la xoojiyay, iyo dadaallada lagu dardargelinayo qorsheyn ku saleysan natiijooyin, si loo xaqiijiyo horumar waara, xasillooni, iyo kobac dhaqaale oo loo dhan yahay.

Attached Documents

WARSIDAHA BISHA JANAAYO 2026

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARSIDAHA WASAARADDA AGOOSTO 2026
16Sep

HORDHACAgoosto 2026 waxay ahayd bil ay Wasaaraddu xoogga saartay xoojinta…

NEWSLETTER AUGUST 2026
16Sep

INTRODUCTION In August 2026, the Ministry focused on strengthening evidence-based…

Director-General of MoPIED Receives Qatari Development and Investment Delegation
11Aug

August 11, 2026 – The Director-General of the Ministry of…

Warsidaha Bisha Luulyo 2026
10Aug

HORDHAC Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…