WARBIXINTA BILLAHA– LUULYO 2025

Hordhac 

Luulyo 2025 waxay ahayd bil aad loo xoojiyey iskaashiga bahwadaagta, dardargelinta nidaamyada Kormeerka & Qiimeynta (K&Q), iyo dhiirrigelinta maalgashi la jaanqaada mudnaanta qaranka. Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay waxay si qoto dheer uga wada hadleen jihaynta iskaashiga 2026–2030, iyagoo dib u eegay hirgelinta Qorshaha Iskaashiga ee 2021–2025.  Wasaaraddu waxay soo bandhigtay e-NIMIS—aalad casri ah oo xoojinaysa xog-ururinta iyo kormeerka waxqabadka intii lagu guda jiray shirka Guddi-hoosaadka Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada. 

Dhanka kor u qaadista aqoonta dhaqaalaha, safarka waxbarasho ee K&Q ee Yugaandha wuxuu dhaliyey warbixin-barasho, heshiisyo iskaashi, iyo qorshe howleed lagu tayeynayo nidaamka qiimeynta qaranka.  Sidoo kale, shir farsamo oo lala yeeshay JICA ayaa diiradda saaray shaqo-abuurka dhallinyarada iyo ganacsiga bulshada nugul. 

Dhanka maalgashiga, Wasiirka iyo Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga waxay ka wada hadleen xoojinta maalgashiga, halka Wasaaraddu daah-furtay warbixinta lixaad ee “Fursadaha Maalgashi ee Adeegyada Mihnadleyda.”

Attached Documents

Warbixinta Billaha – LUULYO 2025

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WARSIDAHA WASAARADDA AGOOSTO 2026
16Sep

HORDHACAgoosto 2026 waxay ahayd bil ay Wasaaraddu xoogga saartay xoojinta…

NEWSLETTER AUGUST 2026
16Sep

INTRODUCTION In August 2026, the Ministry focused on strengthening evidence-based…

Director-General of MoPIED Receives Qatari Development and Investment Delegation
11Aug

August 11, 2026 – The Director-General of the Ministry of…

Warsidaha Bisha Luulyo 2026
10Aug

HORDHAC Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…