QUICK LINKS:

Warbixinta Billaha- Febaraayo 2025

Dulmar Guud

Warbixinta Febraayo 2025 waxay iftiiminaysaa horumarka Soomaaliya ee xagga iskaashiga dhaqaale, maalgashiga, iyo wadashaqaynta caalamiga ah. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

1. Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya-Kenya – Waxaa lagu soo gabagabeeyay Nairobi, iyadoo la xoojiyay xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal.

2. Dadaallada Maalgashiga Goboleed – Mas’uuliyiinta Wasaaradda waxay la kulmeen hoggaanka Suuqa Hantida Maguurtada ee Nairobi si loo soo jiito maal-gashadayaasha shisheeye.

3. Kor-u-qaadista Warbaahinta Maalgashiga – Wasiirka Qorsheynta ayaa la kulmay Guddoomiyaha Nation Media Group si loo xoojiyo tebinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

4. Iskaashiga Horumarineed ee Caalamiga – Shirar lala yeeshay dowladaha Switzerland, Jarmalka, Midowga Yurub, iyo UNDP si loo waafajiyo barnaamijyada horumarineed ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ: 2025-2029).

5. Ansixinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay qorshe shan sano ah oo diiradda saaraya koboca dhaqaalaha, dowlad wanaagga, adeegyada bulshada, iyo la qabsiga cimilada.

6. Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay – Shir ay isugu yimaadeen dowladda iyo ganacsatada si loo horumariyo dhaqaalaha iyo iskaashiga Public-Private Partnerships (PPPs).

7. Dib-u-eegista Mashruucyada Horumarineed – Wasaaradda Qorsheynta ayaa qiimeysay waxqabadka hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka shaqeeya, iyada oo diiradda la saaray isla xisaabtanka iyo hufnaanta.

8. Dibloomaasiyadda Dhaqaalaha – Kulamo lala yeeshay AU, IMF, Azerbaijan, iyo Ururka Carabta si loo xoojiyo iskaashiga maalgashiga iyo horumarinta.

9. Kordhinta Aqoonta Shaqaalaha – Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta ayaa ka qeyb galay tababarro la xiriira maalgashiga oo lagu qabtay Qaahira iyo shirweynaha maamulka dowladaha Carabta ee Dubai.

Dadaalladan waxay muujinayaan sida Soomaaliya uga go’an tahay horumarka waara, isbeddelka dhaqaale, iyo iskaashi caalami ah.

Attached Documents

Warbixinta Billaha – Febaraayo 2025

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

DAAH-FURKA QORSHAHA ISBEDDELKA QARANKA (2025-2029)
17Mar

WAR-SAXAAFADEED DAAH-FURKA QORSHAHA ISBEDDELKA QARANKA (2025-2029) Muqdisho, Soomaaliya | 17-ka…

SOMALIA LAUNCHES NATIONAL TRANSFORMATION PLAN (NTP- 2025-2029)
17Mar

PRESS RELEASE SOMALIA LAUNCHES NATIONAL TRANSFORMATION PLAN (NTP- 2025-2029) Mogadishu,…

Monthly Newsletter – February 2025
03Mar

Executive Summary The February 2025 newsletter highlights Somalia’s strides in…

Warbixinta Billaha- Febaraayo 2025
03Mar

Dulmar Guud Warbixinta Febraayo 2025 waxay iftiiminaysaa horumarka Soomaaliya ee…