GUUDMAR KOOBAN
Bishii Abriil 2025, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxay qabatay howlo muhiim ah oo kor u qaaday hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta xiriirka caalamiga ah, iyo dhiirrigelinta barnaamijyo shaqo-abuur iyo iskaashi goboleed. Dadaalladaas waxay qayb ka yihiin ujeedada dowladda ee ah in la helo nidaam qorsheyn qaran oo hufan, la isku halleyn karo, isla markaana horseeda horumar waara.
QODOBADA UGU MUHIIMSAN
1. Shirarka Tiirarka NTP oo la Soo Gunaanaday – Muqdisho, 30 Abriil
2. Ka-qaybgalka IMF Spring Meetings & Xiriir Denmark – Washington, 23–24 Abriil
3. Booqasho Shaqo ee SSC-Khaatumo – Laascaanood, 13 Abriil
4. Daahfurka YEPS2 – Nairobi, 17 Abriil
5. Shirka JRP – Muqdisho, 15–16 Abriil
6. SSF III Shir Heer-Sare – Muqdisho, 16 Abriil
7. Kulamo Dibloomaasiyadeed – Muqdisho, 9 & 21 Abriil
Attached Documents
Warbixinta Billaha – Abriil 2025