WAR SAXAAFADEED
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ:2025-2029), si loo Xoojiyo Kobaca Dhaqaalaha iyo Deganaanshaha Dalka
Muqdisho, Soomaaliya – 23 Febraayo 2025 – Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) ee muddada 2025-2029. Go’aankan taariikhiga ah wuxuu xuddun u noqonayaa dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha, horumarinta bulshada, iyo adkaynta laqabsiga isbeddelka Cimmiladda, waxa uuna cadeynayaa sida ay dowladda uga go’an tahay in la gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ay dareemaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
QIQ waa qorshe shan sano ah oo lagu hagaajinayo koboca dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo la maalgelinayo xoojinta hay’adaha, kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, horumarinta kaabayaasha dhaqaale, iyo la qabsiga isbeddelka cimilada. Qorshahan wuxuu kor u qaadi doonaa adeegyada bulshada, xoojin doonaa hay’adaha dowladda, wuxuuna gacan ka geysan doonaa in la gaaro horumar loo siman yahay oo la taaban karo. QIQ waxaa lagu dhisay casharradii laga bartay Qorshihii Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka (NDP-9) iyadoo la xoojinayo hannaanka dowladnimo iyo horumarka dhaqaale ee joogtada ah.
QIQ waxaa uu ka koobanayahay 4 tiir oo waaweyn:
- Isbeddelka Maamulka Dowladnimada – Xoojinta dowlad wanaagga, amniga, iyo dib-u-habaynta hay’adaha.
- Horumarinta Dhaqaalaha Waara – Kor u qaadista wax soo saarka beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
- Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadamiga – Horumarinta waxbarashada, caafimaadka, biyaha, daryeelka bulshada, iyo xuquuqda insaanka.
- Deegaanka iyo Adkaysiga Cimilada – Yareynta khataraha masiibooyinka iyo horumarinta dhaqaalaha cagaaran.
Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta qorshahan.
“Qorshahan ma ahan oo kaliya dokumenti siyaasadeed; waa ballanqaad dowladda siineyso shacabka Soomaaliyeed si loo helo dal xasilloon, nabdoon, oo horumarsan. QIQ wuxuu saldhig u noqon doonaa koboca dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre.
QIQ wuxuu horseedi doonaa:
- Kala-duwanaansho dhaqaale iyada oo la maalgelinayo beeraha, kalluumaysiga, iyo tamarta.
- Xoojinta amniga qaranka iyo sarreynta sharciga iyada oo la sameynayo dib-u-habeyn dowladeed.
- Ballaarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, iyo fursadaha shaqo.
- Xoojinta la-qabsiga cimilada iyada oo la adeegsanayo siyaasad horumarsan.
- Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan wadooyinka, korontada, iyo horumarinta dhanka dhijitaalka.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa uga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay diyaarinta qorshahan.
“Qorshahan wuxuu ka dhashay latashiyo ballaaran oo lala yeeshay, Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, hay’adaha horumarinta, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo bulshada rayidka ah. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan kuwa doorka weyn ka qaatay dejinta aragtidan isbeddelka qaran,” ayuu yiri wasiirku.
Dowladda Soomaaliya waxay aqoonsan tahay kaalinta muhiimka ah ee ay hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ka geysteen diyaarinta QIQ, taas oo muujinaysa wadajirka iyo dadaallada lagu gaarsiinayo Soomaaliya horumar waara.
Kadib ansixinta QIQ, dowladda waxay billaabi doontaa hirgelinta qorshahan iyada oo loo marayo barnaamijyo iyo dib-u-habeyn siyaasadeed. Qorshahan ayaa si dhow loola socon doonaa si loo xaqiijiyo wax-ku-oolnimada, isla xisaabtanka, iyo in la waafajiyo mudnaanta qaran. Dowladda waxay ugu baaqeysaa dhammaan daneeyayaasha—oo ay ka mid yihiin ganacsatada, bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha horumarinta— in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta yoolalka isbeddelka ee QIQ.
Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Email: info@mop.gov.so
Website: www.mop.gov.so
Twitter: @MoPIED_Somalia
Facebook: www.facebook.com/mopied
### DHAMMAAD ###
Attached Documents
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ:2025-2029), si loo Xoojiyo Kobaca Dhaqaalaha iyo Deganaanshaha Dalka