QUICK LINKS:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta daafureysa diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan) ee 2025-2029.

Muqdisho Arbaco, 22-ka May, 2024 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran kaasoo looga gol leeyahay in Soomaaliya uu gaarsiiyo horumar waara, xasillooni dhaqaale, iyo barwaaqo.

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Qaramada Midoobay, Saaxiibbada Beesha Caalamka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyo daneeyayaal kale.

Qorshahan waxa aasaas looga dhigay guulaha laga  soo hooyay Qorshaha Houmarinta Qaranka 9-aad oo kaalin wayn kasoo cayaaray geedi-socodkii deyn cafinta dalka, waxa uuna jeexayaa khariidad istiraatijiyadeed oo ku saleysan isbeddelka dhaqan-dhaqaale ee ay Soomaaliya hiigsaneyso.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka ayaa yiri “Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale”.

QIQ waxaa uu leeyahay mabaadi’ hagta oo ku dhisan hal-abuurnimo, maamul loo dhanayahy, daahfurnaan, horumar joogta ah, iyo iskaashi, Waxaa uuna ka koobanyahay ilaa shan tiir oo waaweyn, sida isbadal maamul, isbadal dhaqaale oo waara, isbadal bulsho iyo mid bani’aadamnimo, deegaanka iyo u adkeysiga cimilada, iyo kuwo kale oo caawiyayaal ah.

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene),  oo wasaaradiisa ay mas’uul ka tahay diyaarinta iyo fullinta qorshahan ayaa yiri. “Bilawga diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranku waa tallaabo muhim ah oo loo qaaday xaqiijinta himiladeena oo ah Soomaaliya oo horumarsan oo barwaaqo ah. Qorshahani waxa uu adkeynayaa dedaallada wadajirka ah ee dhammaan daneeyayaasha, si loo hubiyo in qorshaheenna uu noqdo mid loo dhan yahay, daah-furan, lana jaan-qaadi kara baahiyaha isbeddelaya ee bulshadeenna.”

Hadafka guud ee Qorshaha Isbedelka Qaran ayaa ah in uu bixiyo khariidad istiraatijiyadeed ee ku aadan isbeddelka dhaqan-dhaqaale, iyadoo ay ujeedadu tahay in la ogaado lana hirgeliyo waxqabadyada muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah horumar waara, kobcinta korriin loo dhan yahay, iyo hubinta hab isku xiran oo looga gudbo caqabadaha horumarinta.

Iyadoo la waafajinayo Hiigsiga Qaran ee Soomaaliya 2060 iyo ajandayaasha horumarineed ee caalamiga ah sida Yoolalka Horumarka Waara (SDGs) iyo Ajendaha Midowga Afrika ee 2063, QIQ wuxuu hagi doonaa dadaallada horumarineed ee shanta sano ee soo socota.

 

Qorshaha Isbedelka Qaran waxaa lagu soo kordhiyay isticmaalka Shaybaar casri ah, oo loogu talagalay kulamada degdega ah, dardar gellinta wada-shaqeynta si xal degdeg ah loogu helo caqabadaha soo ifbaxa. Habkan waxaa kaabaya la-tashiyada daneeyayaasha iyada oo loo marayo kulamo furan, oo lagu hubinayo daahfurnaanta iyo isku-dheelli-tirnaanta.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa hogaamin doonta hirgelinta Qorshaha Isbedelka Qaran, iyada oo diiradda la saarayo ka-qaybgalka joogtada ah ee daneeyayaasha iyo hagaajin soo noqnoqota ee ku salaysan jawaab celinta. Qorshaha ayaa lagu wadaa inuu bilowdo Janaayo 2025, ka dib gabagabada Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (National Development Plan-9).

In lagu guuleysto Fulinta Qorshaha Isbedelka Qaran waxa uu laf-dhabar u yahay safarka Soomaaliya ee ku aaddan horumar waara, taasoo dhabbaha u xaareysa xaqiijinta  himilooyinka fog ee ee ku aaddan horumarka qaranka.

 

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

——————————————–

Email: info@mop.gov.so 

Website: www.mop.gov.so

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

Somalia Kicks-off National Transformation Plan for 2025-2029
22May

Mogadishu Wednesday, 22 May 2024 – Today, under the leadership…

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta daafureysa diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan) ee 2025-2029.
22May

Muqdisho Arbaco, 22-ka May, 2024 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda…

Somalia emphasizes the crucial role of food security in economic development coordination event.
14Feb

Somalia’s Ministry of Planning, Investment, and Economic Development (MoPIED) of…

Ministry of Planning, Investment, and Economic Development Unveils Ambitious Five-Year Strategic Plan
07Jan

Mogadishu, January 7, 2024 – In a grand ceremony held…