WAR-SAXAAFADEED
DAAH-FURKA QORSHAHA ISBEDDELKA QARANKA (2025-2029)
Muqdisho, Soomaaliya | 17-ka Maarso 2025 – Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), oo ah istiraatiijiyad cusub oo horumarinaysa dhaqaalaha dalka, dib-u-habeynta maamulka, adeegyada bulshada, iyo u-adkeysiga cimmilada iyo deegaanka.
Munaasabadda daah-furka, oo lagu qabtay Muqdisho, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, dowlad-goboleedyada, ganacsatada, bulshada rayidka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageeraya horumarka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshahan, isagoo adkeeyay muhiimadda uu u leeyahay dhismaha Soomaaliya xasilloon oo barwaaqo ah.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029) wuxuu la jaanqaadayaa Hiigsiga Qaranka 2060, kaasoo lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto dal nabdoon, dimuqraadi ah, iyo dhaqaale kobcaya leh. Qorshahani wuxuu ku dhisan yahay afar tiir oo waaweyn:
- Isbeddel Maamulka Dowladnimo – Xoojinta maamul-wanaagga, sharciga, hufnaanta dowladda, iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga.
- Isbeddel dhaqaale waara – Kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga.
- Isbeddelka Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadmiga – Kor u qaadista waxbarashada, caafimaadka, daryeelka bulshada, iyo awood-siinta haweenka, dhallinyarada, iyo dadka baahiyaha gaarka qaba.
- Deegaanka iyo Adkeysiga Cimilada – Wax ka qabashada caqabadaha deegaanka, yareynta halista musiibooyinka, iyo kor u qaadista maaraynta kheyraadka dabiiciga ah.
Qorshahan Isbeddelka Qaranka wuxuu beddelayaa Qorshayaashii Horumarinta Qaranka (QHQ), maadaama la dareemay baahida loo qabo in laga gudbo hab-raacyadii hore loona gudbo qorshe wax ku ool ah oo kobcinaya dhammaan laamaha horumarka. Soomaaliya waxay soo diyaarisay sagaal qorshe horumarineed tan iyo xornimadeedii 1960-kii, balse caqabadaha taagnaa ayaa keenay in la hirgeliyo istiraatiijiyad cusub oo wax ka beddel dhab ah keeni karta.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa xusay muhiimadda qorshahan cusub:
“Qorshahani ma ahan oo kaliya qorshe, waa ballanqaad dhab ah oo ku wajahan isbeddel muuqda. Wuxuu ka tarjumayaa yoolka iyo rajada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna saldhig u yahay mustaqbal ifaya oo ay Soomaaliya u gudbeyso.”
Diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka waxuu ku salaysnaa wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay dowlad-goboleedyada, ganacsatada, bulshada rayidka ah, bahda waxbarashada, iyo saaxiibada caalamiga ah. Habkan wadajirka ah wuxuu hubinayaa in:
- Qorshahani uu noqdo mid ay si wadajir ah u hirgeliyaan dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka.
- La helo nidaam cad oo lagu dhaqmo, lana cabbiri karo waxqabadkiisa.
- La adkeeyo hufnaanta maamul, koboca dhaqaalaha, iyo horumarka adeegyada bulshada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan shacabka, ganacsatada, iyo saaxiibada caalamiga ah inay ka qeyb-qaataan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, si loo xaqiijiyo horumar muuqda oo dalka gaarsiiya heer sare.
== DHAMMAAD ==
Attached Documents
WAR-SAXAAFADEED DAAH-FURKA QORSHAHA ISBEDDELKA QARANKA (2025-2029)