Banbaxa Mudada-dhexe ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

WAR-SAXAAFADEED

Banbaxa Mudada-dhexe ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Sabti, 21ka, Juun 2025 – Muqdisho, Soomaaliya: Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulan banbax ah, kaas oo diiradda lagu saaray dar-dar gelinta howlaha hortabinta u leh wasaaradda iyo dib-u-eegista qorshaheeda sanadlaha ah.

Kulanka waxaa wada shir-guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xil. Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Xil. Maxamed Aadan Maxamed.

Agaasimaha Guud ee WQM&HDH, Mudane Maxamed Shire, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan, iyo lataliyeyaasha sare iyo qaar ka mid ah howl-wadeennada muhiimka ah ee wasaaradda ayaa dhammaantood ka qeyb-galay banbaxa, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo afkaar wax-ku-ool ah si loo horumariyo gudashada waajibaadka iyo himilooyinka wasaaradda.

Banbaxa ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo istiraatiiji ah oo ay kamid yihiin: Hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP); Qorshaha Shanta (5) Sano ee Wasaaradda; Isku-dubbaridka deeqaha horumarineed; Xoojinta iyo tayeynta awoodda hay’adaha; Horumarinta iskaashiga iyo xiriirka saaxiibbada horumarineed; Xoojinta Maalgashiga Caalamiga ah; Dhisidda Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka iyo Qorsheynta dhaqaalaha kadib deyn-cafinta (post-HIPC planning).

Ugu dambeyn, banbaxu waxa uu ku soo dhammaaday si guul ah, iyada oo hoosta laga xarriiqay afkaar guud oo lagu dar-dar gelinayo howlaha hortebinta u leh wasaaradda, gaar ahaan fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo xoojinta karaanka wasaaradda.

Dhammaad

Attached Documents

WAR-SAXAAFADEED: Banbaxa Mudada-dhexe ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

Monthly Newsletter – March, 2026
03Apr

INTRODUCTION March 2026 marked a significant milestone in advancing the…

Warsidaha Bisha  Maarso 2026
03Apr

Hordhac Bishii Maarso 2026 waxay ahayd mid si gaar ah…

SOMINVEST Capacity Needs Assessment Report Validation Workshop to Strengthen Somalia’s Investment Promotion System
30Mar

Mogadishu, Somalia | March 30, 2026: The Ministry of Planning,…

MoPIED Strengthens Coordination with COOPI and Action Against Hunger to Align Programmes with Somalia’s National Transformation Plan
09Mar

The Monitoring and Evaluation Department of the Ministry of Planning,…