WAR-SAXAAFADDEED – Shir Lagu Mideynayo Dadaallada Amniga Cuntada iyo Nafaqada

Shir Lagu Mideynayo Dadaallada Amniga Cuntada iyo Nafaqada
Muqdisho, 2-da Febraayo 2026 — Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay shir heer sare ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray kormeerka, la-socodka, iyo xoojinta isku-duwidda Amniga Cuntada iyo Nafaqada dalka, xilli ay gobollo ka mid ah dalka ka jiraan abaaro daran oo halis gelinaya nolosha dadka iyo duunyada.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye); Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay); Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame; Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan; Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Maxamed Xasan Maxamed; Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamed Shire, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khuseyso, oo ay ka mid yihiin, Arrimaha Gudaha, Istaatistikada, Beeraha, iyo Xanaanada Xoolaha, iyo saraakiil sare oo ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Cimilada.

Ugu horreyn, Wasiirka Qorsheynta Qaranka ayaa faahfaahiyay ujeeddooyinka shirka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka xog la isku hallayn karo, iskaashi hay’adeed oo wax ku ool ah, iyo qorsheyn ku saleysan caddeyn, si si hufan looga jawaabo caqabadaha amniga cuntada iyo nafaqada, loona yareeyo saameynta abaaraha. Intii uu socday shirka, Hay’adda SoDMA ayaa soo bandhigtay xaaladdii ugu dambeysay ee abaarta, halka WQM&HDH ay soo jeedisay Qorshaha Amniga Cuntada iyo Nafaqada. Waxaa sidoo kale laga dooday xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda, magacaabista isku-xirayaal, iyo xaqiijinta iyo mideynta xogta tirakoobka, oo ay hoggaamineyso Hay’adda Istaatistikada Qaranka.Gunaanadkii shirka, ka-qaybgalayaashu waxay isla garteen joogteynta kulammada la xiriira Amniga Cuntada iyo Nafaqada, xoojinta la-shaqeynta saaxiibada caalamiga ah, iyo dejinta qodobbo taabagal ah oo ay fulinayaan hay’adaha ay khuseyso, iyadoo Wasaaradda WQM&HDH hoggaaminayso isku-duwidda guud ee dadaallada qaranka.

– DHAMMAAD –

WAR-SAXAAFADDEED – Shir Lagu Mideynayo Dadaallada Amniga Cuntada iyo Nafaqada

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

SOMINVEST Capacity Needs Assessment Report Validation Workshop to Strengthen Somalia’s Investment Promotion System
30Mar

Mogadishu, Somalia | March 30, 2026: The Ministry of Planning,…

MoPIED Strengthens Coordination with COOPI and Action Against Hunger to Align Programmes with Somalia’s National Transformation Plan
09Mar

The Monitoring and Evaluation Department of the Ministry of Planning,…

Ministry of Planning and the United Nations Align on Strategic Cooperation and Fund Optimization
03Mar

MOGADISHU – H.E. Mohamud A. Sheikh Farah (Beenebeene), Minister of…

WARSIDAHA BISHA FEBRAAYO 2026
02Mar

HORDHAC Bisha Febraayo 2026, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha…