WAR-BIXINTA BILLAHA – DISEEMBAR 2025

Horudhac

Warbixintan Billaha ah ee Diseembar 2025 waxay si guud u soo bandhigaysaa hawlaha, kulamada istiraatijiga ah, iyo horumarrada muhiimka ah ee ay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ka hirgelisay heer qaran iyo heer dowlad-goboleed intii lagu guda jiray bisha Diseembar.

Warbixintu waxay iftiiminaysaa dadaallada wasaaraddu ku hoggaaminayso isku-duwidda qorsheynta horumarineed, hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo horumarinta nidaamyada kormeerka, qiimaynta, iyo isla-xisaabtanka.

Bishan Diseembar, Wasaaraddu waxay si gaar ah diiradda u saartay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, la-tashiyada Qorshaha Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay (UNCF 2026–2030), dhisidda awoodda hay’adaha dowliga ah, iyo hoggaaminta dadaallada wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah sida abaaraha.

Warbixintani waxay si buuxda u muujinaysaa jihada istiraatijiyadeed ee Wasaaradda, natiijooyinka la gaaray, iyo tallaabooyinka xiga ee lagu dardargelinayo horumar waara oo ku saleysan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Attached Documents

WAR-BIXINTA BILLAHA – DISEEMBAR 2025

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

Director-General of MoPIED Receives Qatari Development and Investment Delegation
11Aug

August 11, 2026 – The Director-General of the Ministry of…

Warsidaha Bisha Luulyo 2026
10Aug

HORDHAC Warsidaha bishan wuxuu soo bandhigayaa waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee…

Monthly Newsletter July 2026
10Aug

INTRODUCTION This newsletter presents the Ministry of Planning, Investment and…

Monthly Newsletter June 2026
06Jul

Introduction This month’s newsletter presents the key achievements of the…