WAR-SAXAAFADEED
Banbaxa Mudada-dhexe ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Sabti, 21ka, Juun 2025 – Muqdisho, Soomaaliya: Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulan banbax ah, kaas oo diiradda lagu saaray dar-dar gelinta howlaha hortabinta u leh wasaaradda iyo dib-u-eegista qorshaheeda sanadlaha ah.
Kulanka waxaa wada shir-guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xil. Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Xil. Maxamed Aadan Maxamed.
Agaasimaha Guud ee WQM&HDH, Mudane Maxamed Shire, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan, iyo lataliyeyaasha sare iyo qaar ka mid ah howl-wadeennada muhiimka ah ee wasaaradda ayaa dhammaantood ka qeyb-galay banbaxa, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo afkaar wax-ku-ool ah si loo horumariyo gudashada waajibaadka iyo himilooyinka wasaaradda.
Banbaxa ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo istiraatiiji ah oo ay kamid yihiin: Hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP); Qorshaha Shanta (5) Sano ee Wasaaradda; Isku-dubbaridka deeqaha horumarineed; Xoojinta iyo tayeynta awoodda hay’adaha; Horumarinta iskaashiga iyo xiriirka saaxiibbada horumarineed; Xoojinta Maalgashiga Caalamiga ah; Dhisidda Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka iyo Qorsheynta dhaqaalaha kadib deyn-cafinta (post-HIPC planning).
Ugu dambeyn, banbaxu waxa uu ku soo dhammaaday si guul ah, iyada oo hoosta laga xarriiqay afkaar guud oo lagu dar-dar gelinayo howlaha hortebinta u leh wasaaradda, gaar ahaan fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo xoojinta karaanka wasaaradda.
Dhammaad
Attached Documents
WAR-SAXAAFADEED: Banbaxa Mudada-dhexe ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha