Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare iyo Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta dhexe ee Wasaaradda.
Kullanka ayaa ahaa mid looga hadlayey abaaraha iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee uu dalku wajahayo iyo sidii looga hortagi lahaa inta aysan isu bedelin macaluul. Ergeyga Gaarka ah iyo Hoggaanka Wasaaraddu waxay is barbar dhigeen xaaladaha Abaaraha dalkeennu soo martay, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin kasoo kabashada, u ad-keysiga iyo u helida xal waara xasaradahaha soo noq-noqda ee wadanka haraadiyey.
Wasaaraddu waxay u diyaarisay Ergeyga Gaarka ah siyaasado iyo istaraatiijiyado jiray, oo ay ku jiraan DINA, RRF, Istaraatiijiyada xalalka waara iyo Kuwa kale. Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in a gacan kasiin doonto Ergeyga Gaarkaa gudashada waajibaadka shaqo ee culus ee horyaala.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

WAR-BIXINTA BILLAHA – NOFEEMBAR 2025
04Dec

HORDHAC Bishii Nofeembar 2025 waxay ahayd bil horumar weyn ay…

MONTHLY NEWSLETTER – NOVEMBER 2025
04Dec

EXECUTIVE SUMMARY November 2025 marked a month of significant progress…

MoPIED Holds Validation Workshop for the Human Resource Policy and Procedures Manual in Mogadishu
26Nov

The Ministry of Planning, Investment and Economic Development (MoPIED) today…

MONTHLY NEWSLETTER – OCTOBER 2025
02Nov

General Overview October 2025 was a month of intensive collaboration…