Wakiilka Hey’adda Cunnada Adduunka ee WFP Soomaaliya, Mudane ElKhidir Daloum ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee wasaarada qorsheynta

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene, ayaa maanta kulan miro dhal ah kula qaatay xarunta dhexe ee wasaaradda, Wakiilka Hey’adda Cunnada Adduunka ee WFP Soomaaliya, Mudane ElKhidir Daloum.
Labada masuul waxaa ay ka wada hadleen horumarka laga sameeyay arimaha la xariira bani’aadamnimada iyo horumarinta kuwaasoo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.
Waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen dadaallada ku aaddan xasilinta ee Ka socda deegaanada laga xureeyay Khawaarijta. Labada dhinac ayaa ugu danbeyntii isla meel dhigay in ay xoojiyan wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeya Wasaaradda iyo WFP Soomaaliya.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

Monthly Newsletter – March, 2026
03Apr

INTRODUCTION March 2026 marked a significant milestone in advancing the…

Warsidaha Bisha  Maarso 2026
03Apr

Hordhac Bishii Maarso 2026 waxay ahayd mid si gaar ah…

SOMINVEST Capacity Needs Assessment Report Validation Workshop to Strengthen Somalia’s Investment Promotion System
30Mar

Mogadishu, Somalia | March 30, 2026: The Ministry of Planning,…

MoPIED Strengthens Coordination with COOPI and Action Against Hunger to Align Programmes with Somalia’s National Transformation Plan
09Mar

The Monitoring and Evaluation Department of the Ministry of Planning,…