Guudmar Kooban
Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu ku suntanyahay xaalado murugsan oo isugujira dhib iyo dheef isbarkan, fursado iyo caqabado is huwan. Warbixintan oo toddoba cutub ka koobani waxay falanqaynaysaa dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalka, cududda shaqaalaha (labour force), muuqaalka maalgashiga, siyaasadda lacagaha iyo maaliyadda, sugnaanta cuntada (food security), ganacsiga dibadda iyo deymahadalka lagu leeyahay.Warbixintu waxay qaadaadhigaysaa xaaladaha murugsan ee ku xeeran dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna diiradda saaraysaadhinacyada saamaynta ku leh, caqabadaha ku gudban iyo talabixinnada siyaasadeed.
Warbixintan waxaa bilaya iyada oo adeegsatay xogo badan oo soo taxnaamuddadii u dhaxaysay 2004-tii ilaa 2023-kii, xogahaas oo lagu sheegaycutubyada badankood. Intaa waxaa raaca,iyada oo la adeegsaday habab cilmibaadhiseed oo kala duwan; si loo helo ama loola soo boxo natiijo sugan oo wax-ku-ool ah. Intii u dhexeysey sannadihii 2004-kii ilaa 2023-kii, dhaqaalaha Soomaaliya waxaa soo foodsaaray caqabado waaweyn oo ay ugu wacanayd dhacdooyin badan oo dunida ka dhacay. Dhacdooyinka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Soomaaliya saameeyay waxaa kamid ah:
- Dhibaatada tamarta oo dunida oo dhan ka dhacday intii u dhexeysey (2004 – 2008), kana dhalatay sara-u-kac ku yimid qiimaha shidaalka, si ba’anna u saamaysay dhaqaalaha Soomaaliya oo gebi ahaanba ku tiirsan, shidaalka dibadda laga keeno.
- Dhibaatadii dhaqaale ee dunida ka dhacday sannadkii (2008), xilligaas oo hoos-u-dhac ba’ani ku yimid dhaqaalihii dunida oo dhan.Tani waxay keentayhoos-u-dhac weyn oo ku yimid maalgashigii dalka iyo duruufo adag oo soo gaaray dhaqaalaha Soomaaliya.
- Dagaalkii Yaman ka dhacay (2015) oo qalalaasaha gobolka sii kordhiyay, si ba’anna u saameeyay ganacsigii iyo maalgashigii Soomaaliya ka jiray.
- Cudurkii COVID-19ee dhacay (2019– 2022) oo keenay in dhamman shaqooyinkii dunidu istaagaan, ayaa isaguna sababay hoos-u-dhac weyn oo ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana horseeday kororka saboolnimda iyo shaqala’aan dunida guud saameeshay.
- Dagaalkii Ruushka iyo Yukreyn ee qarxay (2022) kaas oo dhaqaalihii dunida dhulka la galay, gaar ahaan, suuqyadii shidaalka iyo cuntada. Kor-u-kicii ku yimid qiimaha shidaalka, gaaska iyo qamandiga ayaa culays badan ku keenay dhaqaalihii dunida oo dhan—kana mid yahay; dhaqaalaha Soomaaliya.
Attached Documents
WARBIXINTA ODDOROSKA DHAQAALAHA SOOMAALIYA SOOSAARISTII 2-AAD