WAR-SAXAAFADEED
Muqdisho, Soomaaliya
30-ka Janaayo, 2023
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay dhambaal bogaadin ah u direysaa dhammaan hey’adaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya Soomaaliya, waxayna ku wargalineysaa iney xafiisyadooda maamula mashaariicda Soomaaliya iney si buuxda ugu soo wada guuraan dalka Somaaliya laga billaabo 30-ka Jannaayo 2023 ilaa 31-ka Maarso, 2023, iyadoo la tixgalinayo xaaladda amni ee dalka ee soo hagaageysa kaddib howgallada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisda Al-Shabaab.
Wasaaradda Qorsheynta waxay heegan u tahay iney hey’adahaas ka caawiso, una fududeyso, iney dalka usoo guuraan. Iyadoo fulineysa amarrada Golaha Wasiirrada ayay Wasaaradda Qorsheyntu waxay tallaabooyinka ku habboon ka qaadi doontaa hey’adaha fulin waaya amarkan, si degdeg ahna dalka ugu soo guuri waaya.
Sidoo kale, Dowladda Federaalku waxay la socodsiineysaa hey’adaha gargaarka iyo kuwa horumarinta iney shirarkooda iyo tababarradooda ku qabsadaan gudaha dalka, si ay u taabba galiyaan usoo guurista dalka.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an iney dardar galiso howlaha
xasilinta deegaannada dhawaan laga xoreeyay argagixisada, sidaas darteed, dowladdu waxay dooneysaa iney si dhow ula shaqeyso hey’adaha gargaarka iyo kuwa horumarinta. Waana sababta uu joogitaankooda gudaha dalka lama huraan ugu yahay tiigsiga yoolkaas.
=Dhamaad=
Attached Documents
WAR-SAXAAFADEED 30-ka Janaayo, 2023