QORSHAHA KA QEYBGELINTA DANEEYAYAASHA, Barwaaqo (P177627).

Get The Latest Updates

Subscribe To Our Newsletter

The latest MoPIED news, articles, and resources, sent straight to your inbox.

Hordhac

Mashruucu wuxuu awoodda saarayaa in la gaarsiiyo bulshada biyo nadiif ah, isla markaana ay ka qeyb-galaan maamulk, hawlgalinta iyo dayactirka biyaha dhulka (BDh). Sidoo kale wuxuu ka shaqaynayaa waxqabadyka kaabayaasha dhaqaale ee wax ku oolka ah, xogaha iyo aqoonta biyaha dhulka ka hooseeya/guntiisa ku jiro, iyo ugu dambeyn dhisidda awoodda hay’adaha ka shaqeeya si loo xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif oo ay ka qeybqaateen go’aankeeda bulshada deegaanka ku noo Waxaa jirto goobo aan ammaan aheyn oo dalka soomaaliya ku yaal, halkaas oo ay ka dhacaan khilaafaat dabadheeraada oo ku saleysan muran dhul oo udhaxeeya beeraleyda iyo xoolo- dhaqatada , iyo barakacayaasha biyaha u baahan ee aan ka maarmin, kooxaha laga tiro badanyahay iyo qabaa’illka dhaxdooda. Waxaa jira kala duwanaansho ku wajahan jinsiga iyo da’da, marka loo eego helitaanka iyo maareynta biyaha. Waxay haweenku diiradda saaraan helitaanka biyaha ee u isticmaalka hawlaha guriga, halka ragguna ay yihiin go’aan-qaatayaasha maaraynta iyo isticmaalka khayraadka biyaha. Sidoo kale, dhalinyaradu wax masuuliyad ah oo weyn kuma laha maamulka iyo maareynta biyaha caadiga ah. Dhulka guud ahaan waxa uu hoos yimaadaa lahaanshaha wadaagga ah ,xuquuqaha dhulka iyo isticmaalka khayraadkoodu maaha mid fudud, dumarkuna wax fikir ama ra’yi ah kuma laha arimaha la xiriira dhulka.

Attached Documents

QORSHAHA KA QEYBGELINTA DANEEYAYAASHA, Barwaaqo (P177627).

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn