Mashruuca Adkeysiga Biyaha Soomaaliya ee Barwaaqo (P177627),

Get The Latest Updates

Subscribe To Our Newsletter

The latest MoPIED news, articles, and resources, sent straight to your inbox.

Hordhac

Mashruucu wuxuu awoodda saarayaa in la gaarsiiyo bulshada biyo nadiif ah, isla markaana ay ka qeyb-galaan maamulk, hawlgalinta iyo dayactirka biyaha dhulka (BDh). Sidoo kale wuxuu ka shaqaynayaa waxqabadyka kaabayaasha dhaqaale ee wax ku oolka ah, xogaha iyo aqoonta biyaha dhulka ka hooseeya/guntiisa ku jiro, iyo ugu dambeyn dhisidda awoodda hay’adaha ka shaqeeya si loo xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif oo ay ka qeyb- qaateen go’aankeeda bulshada deegaanka ku nool Mashruuca waxa laga filayaa in uu sare u qaaddo helidda biyo nadiif oo saafi ah iyadoo loo marayo maalgelinta cusub iyo dib u hagaajinta hababkii horay ujiray, wax ka qabashada baahiyaha degdega ah ee biyaha iyo nadaafaddooda iyo in la dhiso oo dib u habeyn lagu sameeyo hababka gaarsiinta biyaha. Mashruucu waxa uu samayn doonaa sahanno joolooji ah, mid hydrogeology ah, iyo mid juquraafiyeed si loo ogaado goobaha biyaha leh ee la hormarin karo,kuwaas oo laga kordhin karo biyo siin tayo sare leh. Mashruucu wuxuu tababari doonaa shaqaale xirfadlayaal ah, wuxuuxa dhisi doonaa xafiisyo ka shaqeeya biyaha dhulka, wuxuuna diyaarin doonaa helitaanka xogaha loo baahan yahay.

Ujeedka Hormarinta Mashruuca “UHM” waxaa lagu cabbiri doonaa iyadoo la isticmaalayo natiijada saddexda tilmaamood ee soo socda:

  1. % Boqokiiba Ka faa’iideystayaasha dumarka ee helay biyo nadiif ah oo tayo sare
  2. % Boqoolkiiba bar biyoodyada la dhisay ama dib u habayn ku socoto ee shaqeynaya
  3. Hay’adaha ka shaqeeya biyha dhulka ka hooseeya ee helay xogaha maareynta biyaha dhulka ku jiro.

Attached Documents

Mashruuca Adkeysiga Biyaha Soomaaliya ee Barwaaqo (P177627).

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn