HABKA SOO GUDBINTA CABASHADA EE MASHRUUCA.

Get The Latest Updates

Subscribe To Our Newsletter

The latest MoPIED news, articles, and resources, sent straight to your inbox.

Hordhac

Habka cabashada (GM), waa xidhmo muhiim ah oo ka tirsan hanaanka ka qaybgalinta daneeyayaasha iyo sii deynta/qaybinta xogta. Waa hab ay daneeyayaashu ku falcelin karaan, kuna sheegi karaan waxa la quman, wakhtiga ku habboon. Masuuliyadda Mashruuca BARWAAQO ee ee xallinta cabashada waxaa xalinteeda iska leh, Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha ee DFS. Hawlaha mashruucan waxa ay wasaaraddu u fulin doontaa, si waafaqsan shuruucda DF iyo heerarka Deegaanka iyo Bulshada (EFSSs) ee uu dejiyay Bangiga Adduunka.

  • Habka xallinta cabshada ayaa muhiim u ah ka jawaabida cabashooyinka bulshada, sidoo kalena wuxuu ka caawinayaa in la helo jawaab celin ku saabsan mashruuca Barwaaqo. Tani waa shuruud ka mid ah dhammaan mashaariicda ay bixiyaan Bankiga Adduunka, waxeyna masu’uuliyad ka saarantahay dhamaan shaqaalaha Mashruuca.
  • Waxa la doorbidayaa in cabashooyinka si toos ah ee ugu sarreeyso lagu xalliyo, si kastaba ha ahaatee, waa in la heli karaa heerar iyo kanaallo kala duwan oo lagu diiwaan geliyo cabashooyinka, si qof kasta oo nugul kana mid ah bulshada uu udareemo cadaalad marka uu soo gudbinaayo cabashada. Cabashooyinka la xiriira tacadiyada ka dhanka ah dumarka waa in si degdeg ah loogu gudbiyaa kabiiradda uxilsaaran “GBV focal point” ee heer FMS ama FGS.
  • Cabashooyinka waa in si sir ah loo maareeyaa, kaliya dadka u baahan inay ogaadaan ayaa loo sheegi karaa, iyadoo aan laga baqeyn wax dhibaato ah.
  • Cabashooyinka waxaa soo gudbin kara xubnaha bulshada, shaqaalaha, iyo daneeyayaasha kale ee la xiriira fulinta mashruuca, oo ay ku jiraan saameynta taban ee xaaladaha bulshada ama deegaanka, isticmaalka khaldan ee lacagaha; hab-dhaqanka shaqaalaha, xaaladaha ama badbaadada shaqaalaha, tayada adeegga, isir-xumeyn iyo xadgudubka shaqaalaysiinta khasabka ah ama carruurta iwm.

Attached Documents

HABKA SOO GUDBINTA CABASHADA EE MASHRUUCA

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn