Hordhac
Bishii Abriil 2026, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojisay doorkeeda hoggaamineed ee hagidda ajendaha horumarineed ee dalka, iyada oo diiradda saartay isku-duwidda qorsheynta, dardargelinta maalgashiga, iyo hirgelinta nidaamyo wax-ku-ool ah oo kormeer iyo qiimeyn ku saleysan natiijooyin.
Inta lagu guda jiray muddadan, Wasaaraddu waxay qabatay kulamo istiraatiiji ah oo heer qaran iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga bah-wadaagta horumarineed, la jaanqaadidda mashaariicda iyo siyaasadaha Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), iyo kor u qaadidda hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, dadaallada Wasaaradda waxay si gaar ah u muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la mideeyo qorsheynta qaranka, la dardargeliyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, lana dhiso hay’ado dowladeed oo awood leh, isku xiran, isla markaana ku shaqeeya hannaan ku saleysan natiijooyin la cabbiri karo.
Warbixintan waxa ay soo bandhigaysaa dhacdooyinka, kulamada, iyo horumarrada muhiimka ah ee dhacay muddadii u dhaxaysay 1-da ilaa 30-ka Abriil 2026, kuwaas oo ka tarjumaya jihada istiraatiijiga ah ee Wasaaradda iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo horumar dhaqaale oo waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Lifaaqa hoose ka akhriso
WARSIDAHA BISHA ABRIIL 2026