Shirka Ansixinta Istiraatiijiyadda Horumarinta Tayada ee Heer Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaarsi labo maalmood socday oo lagu ansixinayay Istiraatiijiyadda Horumarinta Tayada ee Heer Qaran. Aqoon-is-weydaarsigan, oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, waxaa kasoo qayb galay wakiilo ka kala socday hay’adaha dowladda ee heer federal iyo dowlad goboleed, ganacsatada, bulshada rayidka ah, iyo bahda waxbarashada. 

Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, waxaa si faahfaahsan loogu soo bandhigay qorshaha fulinta Istiraatiijiyadda Horumarinta Tayada Qaranka iyo hababka dhaqaale ururinta ee la xiriira. Ka-qaybgalayaashu waxay yeesheen dood iyo falanqeyn ballaaran oo ku saabsan sida qorshahan loogu dabaqi karo baahiyaha gaarka ah ee Soomaaliya, iyada oo si gaar ah loo tixgelinayo caqabadaha iyo fursadaha jira.

Doodaha iyo talooyinkii ka soo baxay kulankan ayaa lagu saleyn doonaa tallaabooyinka lagu xaqiijinayo guusha qorshaha. Aqoon-is-weydaarsigan waxaa soo qabanqaabiyay Waaxda Shaqada ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana maalgeliyay Baanka Horumarinta Afrika (AfDB) oo kaashanaya Steadman Global iyo Devemerge Global.

Istiraatiijiyaddan ayaa ah mid muhiimad weyn u leh sare u qaadidda tayada qaranka iyo xaqiijinta horumar waara oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonto.

Share:

Facebook
Twitter
Pinterest
LinkedIn

Related Posts

MONTHLY NEWSLETTER JANUARY 2026
05Feb

INTRODUCTION In January 2026, the Ministry of Planning, Investment and…

WARSIDAHA BISHA JANAAYO 2026
05Feb

HORDHAC Bishii Janaayo 2026 waxay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta…

WAR-SAXAAFADDEED – Shir Lagu Mideynayo Dadaallada Amniga Cuntada iyo Nafaqada
02Feb

Shir Lagu Mideynayo Dadaallada Amniga Cuntada iyo NafaqadaMuqdisho, 2-da Febraayo…

PRESS RELEASE – MoPIED Hosts High-Level Food Security and Nutrition Coordination Meeting in Mogadishu
02Feb

MoPIED Hosts High-Level Food Security and Nutrition Coordination Meeting in…