WAR-SAXAAFADEED
Nofeembar 20, 2024
DOWLADDA SOOMAALIYA IYO MU’ASASADA HORMUUD SALAAM OO ISKA KAASHANAYA BIXINTA DHUL DIB-U-DEJIN LOOGU SAMEYNAYO 10,000 OO QOYS OO BARAKACAYAAL AH, LAGUNA TAAGEERAAYO XIRFADO, IYO FURSADO SHAQO.
Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mu’asasada Hormuud Salaam ayaa ku dhawaaqay iskaashi muhiim ah oo lagu taageerayo 10,000 oo qoys oo barakacayaal ah iyada oo loo marayo Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara.
Iskaashigan, oo lagu gaaray Madasha Daneeyayaasha Caalamka ee dhawaan lagu qabtay Geneva, ayaa ujeedkiisu yahay in barakacayaasha la siiyo dhul dib-u-dejin ah, fududeynta tababaro xirfadeed, iyo fursado shaqo si ay u helaan nolol wanaagsan. Iskaashigani wuxuu ka mid yahay dadaallada ay Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta hoggaamineyso ee lagu taageerayo bulshada nugul, iyadoo diiradda la saarayo xal waara oo lagu horumarinayo tayada nolosha dadka barakacayaasha ah.
Mu’asasada Hormuud Salaam ayaa bixin doonta dhul loogu talagalay dib-u-dejinta, iyadoo sidoo kale abaabulaysa barnaamijyo tababar xirfadeed iyo fursado shaqo oo suurtagelinaya in barakacayaashu ay si buuxda uga mid noqdaan bulshada inteeda kale.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa bogaadiyay iskaashigan, isagoo yiri: “Ballanqaadka Mu’asasada Hormuud Salaam ma ahan oo kaliya bixinta dhul ay degaan 10,000 qoys oo barakacayaal ah, balse waxaa intaas u dheer fududeynta tababaro xirfadeed iyo fursado shaqo kuwaas oo u sahlaya inay dhistaan mustaqbal ifaya oo xasilloon. Waxaan sidoo kale ku boorinayaa ganacsatada kale inay ka qeyb qaataan dadaallada xalka waara loogu raadinayo bulshada barakacayaasha ah.”
Maamulaha Mu’asasada Hormuud Salaam, Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan, ayaa isna yiri: “Waxaan aaminsanahay in la abuuro fursado horseedaya isbeddel waara, iyada oo loo marayo bixinta dhul, tababaro xirfadeed, iyo fursado shaqo, waxaan rajaynaynaa in qoysaska barakacay dib u helaan sharaftooda oo ay dib u dhistaan mustaqbalkooda. Sharaf weyn ayey noo tahay inaan qeyb ka noqonno dadaallada lagu horumarinayo bulshada Soomaaliyeed.”
Agaasimaha Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Marwo Zahra Cabdi, ayaa sheegtay in Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara uu yahay istiraatiijiyad dhammaystiran oo lagu taageerayo hal milyan oo barakacayaal ah. Qorshahan 5 ta sano ah waxa uu qeexayaa hannaan wadajir ah oo ay Dowladda iyo Bulshadu ku xallinayaan barakaca gudaha, kuna salaysan lix wadiiqo oo is kaabaya. Marwo Zahra ayaa sidoo kale bogaadisay yabooha dhuleed ee Mu’asasada Hormuud Salaam ee loogu talagalay dib-u-dejinta 10,000 qoys, taas oo qayb muhiim ah ka ah hirgelinta qorshaha.
La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Barakaca Gudaha, Mudane Robert Piper, iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna Isku-duwaha Arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane George Conway, ayaa hoosta kawada xariiqay muhiimadda Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Waxay ugu baaqeen saaxiibbada horumarinta, hay’adaha caalamiga ah ee maalgelinta, iyo ganacsatada in ay si firfircoon u taageeraan oo ay u maalgeliyaan qorshahan si loo xaqiijiyo guushiisa.
Sidoo kale, waxay bogaadiyeen iskaashiga muhiimka ah ee dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Mu’asasada Hormuud Salaam, iyagoo ammaanay iskaashigan dib-u-dejinta loogu sameynayo 10,000 qoys dhulka ay Hormuud ku deeqday, kaasoo tusaale u noqonaya iskaashiyada la filayo ee dhexmari doona Dowladda iyo ganacsatada ee lagu xallinayo duruufaha barakaca.
Madasha Geneva waxaa ka soo qeyb galay saaxiibada caalamiga ah oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Switzerland, UK, Turkey, Norway, Midowga Yurub, Colombia (Oo ah La-Guddoomiye Kooxda Saaxiibada Dadka Soo Barakacay), Mareykanka, Sweden, Denmark, Canada (Oo ah La-Guddoomiye Kooxda Saaxiibada Dadka Soo Barakacay), Mozambique, Itoobiya, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, iyo Bangiga Islaamka. Waxay ballan-qaadeen in ay taageerayaan Qorshaha Qaran ee Xalka Waara.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Mu’asasada Hormuud Salaam ayaa hormuud u ah hirgelinta xalal waara oo lagu taageerayo barakacayaasha, kuwaasoo xooga saaraya sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo, loo xoojin lahaa isku-filnaanta, loona dhiirrigelin lahaa rajada dadka barakacayaasha ah, iyada oo la raadinayo xalal waara oo keenaya nolol iyo xasillooni joogta ah.
________________DHAMMAAD___________________
Attached Documents
DOWLADDA SOOMAALIYA IYO MU’ASASADA HORMUUD SALAAM OO ISKA KAASHANAYA BIXINTA DHUL DIB-U-DEJIN LOOGU SAMEYNAYO 10,000 OO QOYS OO BARAKACAYAAL AH, LAGUNA TAAGEERAAYO XIRFADO, IYO FURSADO SHAQO.